Wararka

M/weynaha maamulka Tigray ayaa ku baaqay in la soo afjaro colaada lana bilaabo wadahadallo…


Madaxweynaha maamulka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa lagu soo warramayaa in uu ku baaqay in lasoo afjaro colaadda ka taagan gobolka isla markaana la bilaabo wadahadallo si xiisadda loo dejiyo.

Baaqan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ka yimaada dhinacyada isku haya colaada dalka Itoobiya ”Madaxweynaha ayaa Midowga Africa ka dalbaday inay xaaladda faraha lasoo galaan si dalka looga badbaadiyo in uu galo dagaallo sokeeye.

‘’Waxaan ku baaqayaa in Ia qabto wadahadal lagu joojinayo dagaalka, ayuu yiri Debretsion Gebremichael sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Si kastaba, dowladda federaalka Itoobiya waxay u muuqataa in mid aan diyaar u aheyn wadahadallo in lala galo gobolkan, khudbad uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu ku sheegay in dowladda ay soo gabagabeyn doonto hadafkii laga lahaa howlgalka.

Dhawaan ayey aheyd markii QM ay soo saartay digniin ka dhan ah dagaallada ka socda gobolka Tigray, waxaana sheegtay in 9 malyan qof ay halis ugu jiraan in guryahooda ay ka qaxaan maadama la xiray waddooyinkii geli jiray gobolkaas oo ay adag tahay in gargaar la gaarsiiyo shacabka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12225 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: