Wararka

Heshii lagu soo afjarayo dagaalka u dhaxeeya Armenia iyo Azerbaijan oo la saxiixay…


Armenia, Azerbaijan iyo Russia ayaa kala saxiixday heshiis lagu soo afjarayo iska hor imaadkii millateri ee ka dhashay dhulkii lagu muransanaa ee Nagorno-Karabakh

Ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan wuxuu heshiiska ugu yeedhay heshiis “aad ugu xanuun badan aniga iyo dadkeenaba”.

Waxay timid kadib lix todobaad oo dagaal uu u dhaxeeyay Azerbaijan iyo qowmiyado Armeniyaan-ka ah.

Gobolkan waxaa caalami ahaan looga aqoonsan yahay Azerbaijani, laakiin waxaa maamulayay qowmiyadaha Armenia ilaa 1994.

Tiro heshiisyo xabad joojin ah ayaa lagu dhexdhexaadiyay tan iyo markii uu dagaalku dib u qarxay bishii September, laakiin dhammaantood way fashilmeen.


Heshiiska nabadeed wuxuu dhaqan galayaa Talaadada laga bilaabo 01:00 waqtiga maxaliga ah (21:00 GMT Isniin).

Heshiiska cusub, Azerbaijan waxa ay qabsan doontaa aagagga Nagorno-Karabakh oo ay qaadatay intii ay socdeen isku dhacyada. Armenia waxay sidoo kale ogolaatay inay ka baxdo dhowr meelood oo kale oo ku dhow dhow aagaasi, toddobaadyada soo socda.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa intii uu ku guda jiray khudbaddiisa khadka tooska ah ee telefishanka laga sii daayay sheegay in 1,960 askari oo nabad ilaaliyayaal Ruush ah la gayn doono aagga hore ee ciidanku isku hor fadhiyo.

Turkiga ayaa sidoo kale ka qeyb qaadan doona howlaha nabad ilaalinta, sida uu sheegay madaxweynaha Azeri Ilham Aliyev, oo ku soo biiray madaxweyne Putin intii uu socday khudbadda.

Madaxweyne Putin wuxuu sheegay in heshiiska ay ku jiri doonto isweydaarsiga maxaabiista dagaalka, iyadoo “dhammaan xidhiidhada dhaqaalaha iyo gaadiidka laga dhigayo kuwo aan la xayirin.”


Madaxweyne Aliyev wuxuu sheegay in heshiiskan uu yahay “muhiimad taariikhi ah,”

Raiisel wasaaraha Armenia Pashinyan wuxuu sheegay in go’aankani uu ku saleysnaa “falanqeyn qoto dheer oo ku saabsan xaaladda dagaalka iyo wadahadal ee aan la yeeshay khubarada ugu fiican ee arrimahan”.

Mr Pashinyan ayaa yiri “tani guul ma ahan laakiin guuldaro ma jirto ilaa aad u aragto in lagaa adkaaday”.

Hogaamiyaha Armenia ee Nagorno-Karabakh, Arayik Harutyunyan, wuxuu sheegay in heshiiskani farayo “in dagaalka sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo”.

Magaalada Yerevan ee caasimada Armenia, waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan oo ka cabanaya heshiiska sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Waxay jabsadeen baarlamaanka iyo dhismayaasha dawladda, iyagoo ku qaylinaya “isma dhiibi doono.”

Dhinaca kale dadweyne aad u farabadan oo dabaaldegaya ayaa isugu soo baxay magaalooyinka dalka Azerbaijan guusha uu ciidankooda ka gaaray dagaalkii ka socday Nogorno Karabach.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: