Wararka

Xildhibaanada Hirshabelle ayaa maanta dhageysan doona khudbadaha musharixiinta…


Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle waxaa ka soconaya qaban-qaabada doorashada xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyadoo maanta xildhibaannada dhageysan doonaan khudbadaha musharixiinta.

Xilka madaxweynaha ilaa iyo hadda waxaa isku soo taagay Cali Maxamed Xusseen Guudllaawe iyo Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan , halka madaxweyne ku-xigeenkana ay ku tartami doonaan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere] oo horey u soo noqday wasiirka maaliyada maamulka Hirshabeelle.

Maalinta berri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 11ka bishan November ayaa la filayaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada oo siweyn isha loogu hayo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12256 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: