Wararka

Cali Guudlaawe Xusseen ayaa loo doortay M/weynaha dowlad goboleedka Hirshabelle…


Cali Guudlaawe Xusseen ayaa goor dhaw loo doortay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle doorasho ka dhacday magaalada Jowhar oo toos looga daawanayey telefishanka Qaranka.

Cali Guudlaawe ayaa helay 86 cod halka musharaxii la tartamayay Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan uu helay 13 cod, guud ahaan 99 xildhibaan ee codadkooda dhiibtay.

Madaxweynaha saddexaad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa horeyba loo sii saadaalinayay in uu ku soo bixi doono doorashadan oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirro iyo Xildhibaannno ka tirsan Dowladda dhexe ee Federaalka.

Waxaa hadeertan la guda galay doorashada madaxweyne ku-xigeenka oo ay ku tartamayaan Yuusuf Axmed Hagar –Dabageed iyo Wasiir hore Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere].

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12283 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: