Wararka

Guddoomiyaha Maxkamada darajada 1aad ee CQS ayaa digniin u jeediyey ciidamada Booliska iyo…


Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, G/Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa digniin u jeediyay Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Suggida.

Gudoomiyaha oo ka soo muuqday Warbaahinta ayaa sheegay in ay ciidamada uga digayaan inay dhexdooda dagaalamaan, taasoo sida uu sheegay liddi ku ah hawlaha suggida amniga. Waxa uu intaa ku daray inaanan hadda ka dib la aqbali doonin isku dhacyada ciidamada dhexdooda ah.

Gudoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyay in ciidamadii wada dagaalamaa la soo xiri doono iyaga iyo Saraakiisha ay hoos-taggaanba, isla-markaana ay muteysan doonaan in la ciqaabo.

G/Sare Xasan Cali Nuur (Shuute), Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xusay inaanan marnaba la aqbali doonin in Ciidamada Qaranka ay dhexdooda gurmadyo isu dalbadaan, markii askari uu asakri kale aan ka tirsanayn ciidankooda uu dhibaateeyo.

G/Sare Shuute ayaa tibaaxay haddii askari ka tirsan Booliska ama NISA uu fal dembiyeed gaysto looga baahan yahay Saraakiishooda inay ku xiraan Saldhiga Booliska ee degmadii uu falka ka gaystay.

Digniintan ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli ciidamada ay iska horimaadyo ku dhex maraan magaalooyinka ay maamusho Dowladda Federaalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12225 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: