Wararka

M/weynaha DDS ee Itoobiya ayaa beeniyey warar sheegaya in ciidamadooda qeyb ka yihiin…


Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamadooda ay qeyb ka yihiin dagaalka dowladda Itoobiya ku qaaday dhulka ismaamulka Tigreega.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa sheegay in aanu jirin wax qorshe ah oo ay ciidamo ugu dirayaan dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya.

“Anaga iyo dowladda dhexe ee Itoobiya waxaan ku heshiinay in la ilaaliyo xuduudaha ballaaran ee deegaanka Soomaalida, mana jirto baahi loo qabo in aan xilligaan qeyb ka ahaano dagaalka,” ayuu yiri madaxweyne Cagjar.

Madaxweyne Cagjar ayaa ku eedeeyay xoogag raba in ay dano siyaasadeed ka gaaraan degaanka Soomaalida ay shacabka ku jahwareeriyeen in ciidamo Liyuu booliis ah loo diray dagaalka lagula jiro Tigreega.

Madaxweyne Mustafe Cagjar waxaa uu kamid yahay madaxda sida aadka ah uga soo horjeeda xisbiga TPLF ee Tigreega, isagoo sheegay haddii aan damacooda wax laga qaban in aysan Itoobiya sii jiri doonin.

“Mowqifkeenna waxaa weeye, in aan 100% taageersanahay dagaalka ay qaadday dowladda Itoobiya. Waxaan ognahay in dowladda lagu kalifay in ay qaaddo tallaabadan,” ayuu yiri madaxweynaha.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12278 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: