Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Mareykanka ee Somalia oo ka wada hadalay sidii loo…


Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa la kulmay Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac iyo taageerada Mareykanku Soomaaliya ku siiyo ciidamada Soomaaliya iyo xoojinta ammmaanka sidii loo sii adkayn lahaa.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey dadaallada dib u habeynta ciidamada oo kaalin wayn ka gaysanaysa dhismaha ciidamada iyo tayadooda, si mustaqbalka ay u gaaraan hadafka dalku leeyahay oo ah inay amniga dalka oo dhan ku filnaadaan si AMISOM looga maarmo.

Hase yeeshee kulankan ayaa ku soo beegmay xilli dalka Maraykanka uu ka jiro siyaasad kala guur ah, waxaana soo baxayay warar sheegayay dhowaan in Maraykanku uu kala bixi doono dalka Soomaaliya dhammaan ciidamada ka jooga.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12225 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: