Wararka

Xildhibaanada Hirshabelle ayaa maanta lagu wadaa in ay doortaan M/weyne iyo M/weyne k/xigeen…


Maanta ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ay doortaan Madaxweynaha Hirshabelle iyo Madaxweyne Kuxigeenka, iyadoona doorashadu ka dhici doonto Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Baarlamaanka Hirshabelle oo ka kooban 99 xubnood ayay tahay inay doortaan Madaxweynaha xigga iyo Madaxweyne Kuxigeenka, oo illaa afar musharax ay u taagan yihiin.

Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan iyo Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa u sharaxan kursiga Madaxweynaha, halka ay Madaxweyne Kuxigeenka u tartami doonaan Wasiirkii hore ee Maaliyadda Hirshabelle, Maxamed Maxamuud Cabdulle iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa Magaalada Jowhar laga dareemaayay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed, ee ay musharaxiinta ku soo kala jiidanayaan Xildhibaanada, waxaana saqdii dhexe ee xalay soo geba-gaboobay shirar gaar gaar ahaa oo magaalada ka socday.

Dhanka kale ciidamada amniga ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada, waxaana aad loo xadiday dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka ee magaaladaasi.

Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Hirshabelle ayaa isha ku haya doorashada maanta ka dhaceysa Magaalada Jowhar.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: