Wararka

Yuusuf Daba-geed ayaa loo doortay M/weyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle…


Waxaa soo dhamaatay doorashada madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo loo doortay Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

Yuusuf Daba-geed ayaa ku guuleystay 87 cod halka musharixii la tartamayay Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere] uu helay 12 cod dhamaan 99 kii xildhibaan ee codadkooda dhiibtay.

Xildhibaannada ayaa horey xilka madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle ugu doortay Cali Guudlaawe oo horey madaxweyne ku-xigeen u aha Hirshabelle.

Yuusuf Dabageed ayaa dhowr jeer oo hore guddoomiye ka soo noqday gobolka Hiiraan, waxaana uu hadda ka mid ahaa xubnihii sida weyn u taageeray dhismaha labaad ee dowlad gobolleedka Hirshabelle.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: