Wararka

Dhismaha Safaarada Sacuudiga ee magaalada Hague ee dalka Netherlands oo rasaas lagu…


Booliska Holland ayaa waxay sheegeen in aroortii hore ee saaka oo khamiis ah rasaas lagu furay dhismaha safaarada Sacuudiga ee magaalada the Hague, waxayna sheegeen inay baarayaan arrintan, iyadoo aan wax dhaawac ah la soo sheegin.

Afhayeenka u hadlay booliska Stephen Van Santen ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay ogaadeen abaaro 6 subaxnimo (0500 GMT) in rasaas lagu furay dhismaha safaarada.

Booliska ayaa ka helay qalfoofta rasaasta dhismaha hortiisa, warbaahinta maxaliga ahna waxay soo bandhigtay sawirada raadadka rasaasta ee daaqadaha.

Ujeedada raaasta loogu furay ma aysan cadeyn, booliska ayaa doonaya inuu helo markhaatiyaal ka markhaati fura waxa halkaasi ka dhacay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12278 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: