Wararka

M/weyne ku xigeenka DG Puntland ayaa shaqada ka joojiyey Wasiir iyo Agaasime Guud…


Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Karaash ayaa shaqadii ka joojiyay wasiirkii kalluumaysiga Puntland Maxamuud Xaaji Saalax iyo agaasimihii guud ee wasaaraddaas, Cabdirisaaq jaamac Aadan.

Madaxweyne ku xigeenku ma sheegin sababta uu shaqada uga joojiyay labada mas’uul. Hase yeeshee xog warbaahintu heshay ayaa sheegaysa in labada mas’uul ay maalmo ka hor uu dhexmaray gacan ka hadal kadib muran soo kala dhexgalay.

Warar HOL heshay, ayaa sheegaya in mas’uuliyiintu isku qabteen arrimo dhaqaale. Kadib murankooda oo batay ayaa sababay gacan ka hadalka.

Puntland, gacan ka hadalka mas’uuliyiinta dhexdooda waa mid soo noq noqotay. Waxaana horey sidaan oo kale xilalkooda ugu waayay labo kamid ah taliyayaasha ciidamada booliiska.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: