Wararka

Saraakiil ka tirsan maamulka Tigray ayaa lagala noqday xasaanada si looga soo oogo…


Mudanayaasha Aqalka golaha wakiilada ee Itoobiya ayaa ansixiyay in xasaanadda lagala noqdo 38 saraakiil ah oo ka tirsan maamulka Tigray kadib codsi kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

Waxaana ka mid ah madaxdan xasaanadda laga qaaday madaxweynaha Tigray, Debretsion Gebremichael iyo saraakiisha kala ah, Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi, Gebregziabher Araya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan TPLF.

Dacwad oogayaasha waxay sheegeen in raggan looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday ciidamada dowladda iyo dambiyo kale.

Dowladda federaalka ee Itoobiya waxay howlgal militeri ka waddaa gobolka Tigray kadib markii ay ku eedeysay inay weerar ku qaaday saldhiga ciidamada federaalka ku leeyihiin halkaas.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in howlgalka uu sii socon doono tan iyo caddaallada laga horkeenayo kooxaha hubeysan isla markaana hub ka dhigis looga sameynayo.

Shabakada Wararka, hagaag.com ino@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: