Wararka

Somalia iyo Midowga Yurub ayaa kala saxiixday wajiga labaad ee barnaamijka lagu horumarinayo…


Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa kala saxiixday wajigii labaad ee barnaamijka lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kaas oo ay ku baxayso lacag gaareysa 98.2 Milyan oo Euro.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay heshiiska barnaamijkan oo ay dowladdu sheegtay inuu wax badan ka tari doono koboca dhaqaalaha dalka.

Maalintii shalay, Ra’iisul wasaaraha ayaa shir guddoomiyay wada hadal heer sare ah oo uu la qaatay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, kaasoo ku saabsanaa xoojinta iskaashiga doorashooyinka soo socda, dib u habeynta dhaqaalaha & siyaasada loo wada dhan yahay.

Midowga Yurub ayaa dhawaan Soomaaliya ugu deeqay malaayiin dollar oo wax looga qabanayo dib usoo kabashada dhibaatada dhaqaale ee uu geystay covid-19, lacagtaas oo gaaraysa shan milyan oo euro.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: