Wararka

Dadkeygow ka digtoonaada cudurkan Dimoqraadiga ah ee dabarka soo goostay ee Covid-19…


Dadkeygow ka digtoonaada cudurkan Dimoqraadiga ah ee dabar soo goostay, daacuunka ka daran, hindhisow kugu dilaa.

U duceeya dadkii naga baxay, dib looma arko ambalaasta ruxay daafta, dadkiisa iyo ehelka waa loo diidaa dardaaran koley ku tahay dushaa laga tusaa loox daboolan.

Deg deg baa qabriga loogu daboolaa, ka duceysta cudurkan dilaaga ah.

Darxumadaas iyo dayacaas baa loo dilaa dadka ajnabiga ah, cudur aan dawo laheyn baa lagu dayaa sidii dooligii, dabadeed dalkiisu dib ugu celiya isagoo cudur daadihinaya, dadkiisuu ku ridaa isagoo dar mooge ah.

Dabadeed idaacadahaa laga sii daayaa cudur deg deg dadka laaya dunida ku fiday oo digniin iyo cabsi dadka lagu abuuraa. Dayaaradahaa la joojiyaa iyo guud ahaan gaadiidka.

Daa’im waa Ilaah isaga wax dila ee dareenkiina qaba dabinka iyo danta laga leeyahay waa mid daba dheer.

Eng. Jiraabey….

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: