Wararka

Golaha Ammaanka ee QM ayaa u codeeyey qaraar loogu hortagayo iibinta walxaha qarxa…


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Qaraar ogolaanaya in laga hortago iibinta ama u rarida Soomaaliya walxaha qarxa ee macmalka ah, taasoo la aaminsan yahay in kooxaha mintidiinta ee ay ka caawiso inay u adeegsadaan sameynta qaraxyada.

Golaha Ammaanku wuxuu sidoo kale ku booriyay Dowladda Soomaaliya inay sii wado ka hortagga dhaqaalaha gacanta u gala kooxaha xagjiriinta ee ay khubarada Qaramada Midoobay ku qiyaaseen inay u soo xaroodeen $21 milyan sanadkii hore.

Qaraarkan oo lagu ansixiyay 13 cod, kana aamuseen Ruushka iyo Shiinaha, ayaa dib u xaqiijinaya cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo mamnuucista dib u iibinta ama wareejinta hubka ama qalabka milatari.

Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saareen khubarada kormeeraya cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya waxay ku sheegeen, in Al-Shabaab ay khatar joogto ah ku hayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in Al-Shabaab ay soo aruurisay in ka badan 21 milyan oo dollar oo sanadkii hore ay u isticmaashay dagaallo, hub iyo howlaheeda sirdoonka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12278 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: