Wararka

RW Itoobiya Abiy Ahmed ayaa madaxweyne KMG ah u magacaabay gobolka Tigray…

FILE PHOTO: Ethiopia's Prime Minister Abiy Ahmed attends a signing ceremony with European Commission President Ursula von der Leyen in Addis Ababa, Ethiopia December 7, 2019. REUTERS/Tiksa Negeri/File Photo

Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa madaxweyne KMG ah u magacaabay gobolka ay dhibaatada ka bilaabatay ee Tigraay.

Abiy ayaa u magacaabay Dr. Mulu Nega in uu noqdo madaxweynaha KMG ee gobolka Tigrayga kadib markii xasanaanadii laga qaaday saraakiishii sar sare ee TPLF.

Golaha Wakiilada Itoobiya ayaa dhawaan sheegay in ay kala direen taliskii gobolka, waxaana xigtay in 39 sarkaal oo ka tirsanaa maamulka Tigraay xasaanadda laga qaado.

Saraakiisha xil ka qaadista lagu sameeyay waxaa ugu weyn madaxweynahii maamulkaas ee Debretsion Gebremichael, sidoo kale saraakiisha kale ee la xusi karo waxaa ka mid ah Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi iyo Gebregziabher Araya.

Xaaladda Itoobiya ka jirta ayaa aad looga deyrinayaa iyadoo QM ay aad uga walaacsan tahay xaaladda dadka ku nool gobolkaas ee ka qaxaya dagaallada halkaas ka socda maadaama aysan jirin waddo lagu gaarsiin karo gargaar.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: