Wararka

Itoobiya ayaa kala baxeysa qaar ka mid ah ciidamadooda Somalia ee la dagaalamaya…


Itoobiya ayaa dib ugala baxeysa Soomaaliya kumanaan askari oo ka tirsan ciidamadooda la dagaalamaya Ururka Al-shabaab, iyaga oo ku biiraya dagaalka ka soconaya gobolka Tigreyga oo ah mid cirka isku sii shareeray,

Ciidamada ay Itoobiya u yeertay oo tiradoodu ay gaareyso 3,000 ayaa ah askarta Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya ee hoos yimaada taliska 5,000 oo ka socda dowladda Itoobiya oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Itoobiya ayaa waxaa dalka Soomaaliya ka jooga kumanaan ciidamo ah oo ka howlgala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kuwaa oo dowladda ka caawiya dagaalka ka dhan ah Al-shabaab.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: