Wararka

Ku xigeenkii hogaamiyaha al-Qaacida ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan dalka Iran…


Sida ay qorayaan warbaahinta Mareykanka waxaa howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen sirdoonka Israel lagu dilay ku-xigeenkii ururka al-Qacida Abu Muhammad al-Masri kaas oo ku eedeysnaa weeraro badan oo lala beegsaday safaarado Mareykanku leeyahay oo ka dhacay Afrika, gaar ahaan Kenya iyo Tanzania.

Ninkan ayaa lagu dilay 7-dii bisha Agosto ee sannadkan caasimadda dalkaasi Iran ee Tehran kadib markii ay weerareen isaga oo wadada socda labo nin oo bastoolado ku hubeysan, sida ay qortay jariiradda New York Times.

al-Masri ayaa liiska FBI-da ku jiray muddo 22 sano ah, waxaana dilkiisu ahaa dalab uu Mareykanku u gudbistay Israel.

Hoggaamiyaha al-Qacida Ayman al-Zawahri ayaa la sheegay in uu u ahaa ku-xigeen.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: