Wararka

Maxkamad Mareykan ah ayaa diiday dacwad ay keentay fanaanada caanka ah ee Britney Spears…


Maxkamad Mareykan ah ayaa diiday dacwad ay keentay fanaanada caanka ah ee Britney Spears oo ah 38 jir, si ay u joojiso doorka aabeheed ee ilaaliyaha sharciga ah ee hantideeda.

Jimmy Spears wuxuu ahaa ilaaliyaha sharciga ah ee gabadhiisa muddo 12 sano ah, sababo la xiriira walaac xagga caafimaadka maskaxda ah ee gabadhiisa.

Qareenka fanaanada ayaa sheegay in fanaanada pop-ka ay ka baqeyso aabaheed isla markaana aysan qaban doonin shaqadeeda inta uu ku sii jiro doorkiisa.

Qareenada aabaheed ayaa waxay ka soo horjeestay arrintaas, waxayna sheegtay in macmiilkeedu uu had iyo jeer ku dhaqmi jiray danta gabadhiisa.

Qareenka heesaaga ayaa sheegay in Britney ay ka fiirsan doonto inay soo gudbisato racfaan mustaqbalka ee looga gol leeyahay in aabaheed gebi ahaanba laga saaro doorkan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12225 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: