Wararka

Bankiyada dalka Sweden ayaa la sheegay in ay xireen xisaabaadka dhawr xawaaladood…

President Donald Trump speaks about the coronavirus in the James Brady Press Briefing Room at the White House, Monday, April 13, 2020, in Washington. (AP Photo/Alex Brandon)

Warbixin ay soo saareen Bankiyada Wadanka Sweden ayaa lagu sheegay in la xiray xisaabaad ay bankiyadaasi ku lahaayeen dhawr xawaaladood oo Soomaalida ay leeyihiin.

Sababaha ugu waaweyn ee xisaabaadkan loo xiray ayaa waxaa lagu sheegay, iyadoo Maamulada Bankiyada aanay kontorooli karin amaba la socon karin lacagaha, laga bilaabo qofka diraaya illaa qofka qaadanaya iyo xagga dabagalka ee mustaqbalka.

Tani ayaa waxay saameynaysaa qiyaastii kumanaan qof oo Soomaali ah oo degan dalkaasi, kuwaa oo ay ku adkaan doonto inay lacago u diraan qoysaskooda, ehelada iyo asxaabtooda ku nool Somalia.

Maamulada Xawaaladaha Soomaalida ee dalkaasi ayaa wada qorshe ay cabashadooda ugu gudbinayaan Dowladda Sweden, si wax looga qabto culeyska ka soo fuulay bankiyada dalkaasi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12291 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: