Wararka

Gantaalo ayaa la sheegay in lagu garaacay magaalada Asmara ee Eritrea, xilli uu xoogeysanayo…


Wararka ka imaanaya Magaalada Asmara ee Caasimadda Eritrea ayaa sheegaya in xalay gantaalo lagu garaacay magaaladaasi, xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya.

Illaa saddex jug oo is xigxigtay ayaa xalay caweyskii laga maqlay Magaalada Asmara, taasoo baqdin ku keentay dadka degan magaaladaasi.

Shacabka ku dhaqan magaalada ayaa baraha bulshada ku soo qoray inay maqleen saddex jug oo aad u waaweyn.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in la bartilmaameedsaday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Asmara iyo Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, inkastoo aanay taasi weli ka hadlin Xukuumadda Asmara.

Afhayeenka Maamulka Tigreyga, Getachew Reda ayaa ku hanjabay inay bartilmaameedsan doonaan dalka Eritrea, haddii aanu joojin taageerada uu siinayo Xukuumadda Addis Ababa.

Afhayeenka oo la hadlay Telefishinka Tigreyga ayaa ka dhawaajiyay in bartilmaameedkoodu uu noqon doono goob kasta, oo ay ka soo duulaan diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya.

Afhayeenka oo sidoo kale ka hadlay duqeymihii ay Jimcihii ka gaysteen Gobolka Amxaarada ayaa yiri “Ciidamada Tigreygu waxay gantaalo ku garaaceen garoomada diyaaradaha ee Bahr-dar iyo Gonder, waxayna khasaaro aad u weyn u gaysteen Garoonka Bahr-dar, gaar ahaan dhabaha ay diyaaradaha ka duulaan ama ka soo daggaan. Duqeyntaasi waxaa jawaab looga dhigayay duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka ee Xukuumadda Abiy, ee ka soo duula garoomadaasi ay u gaystaan shacabka Tigreyga. Duqeymaha noocaanoo kala ahna way sii socon doonaan, illaa ay diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Federaalka ka joojinayaan duqeymaha is daba-joogga ah, ee ay ka wadaan deegaanka Tigreyga.”

Gantaalaha xalay lagu weeraray Magaalada Asmara ayaa laga cabsi qabaa inay dab ku sii shidaan dagaalka qaraar ee ka soconaya Gobolka Tigreyga.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: