Wararka

Gudd. Aqalka Sare ayaa u diray beesha caalamka qoraal ka dhan ah guddiyada doorashooyinka…


Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Qoraal ka dhan ah Guddiyada Doorashooyinka u diray beesha caalamka gaar ahaan Wakiilka QM ee Arrimaha Somalia Amb, James Swan, Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Amb, Francisco Madera.

Guddoomiye Xaashi ayaa sheegay in xiligan dalka uu ku jiro waqti kala guur ah oo la galayo doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal oo la doonayo inay si xor iyo xalaal ugu dhacaan dalka, hase ahaatee uu ka digayo in doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka kasoo galaya Gobolada Waqooyi ay faragelin ku sameeyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Hay’adda NISA.

Qoraalka Cabdi Xaashi iyo dacwada uu u diray beesha caalamka ayaa imanaysa xilli ay cirka isku shareertay doodda ka dhanka ah Guddiyada Doorashooyinka oo dhinacayada siyaasadda intooda badan ku tilmaamayaan kuwo aan lagu kalsoonaan karin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12291 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: