Wararka

Rag lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Daacish iyo Al-Shabaab oo ciidamada Itoobiya…


Hay’adda Sirdoonka dalkaasi Itoobiya ayaa sheegtay kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada in ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Ururrada Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Hay’adda Sirdoonka ayaa sheegtay in raggan la soo qabtay in muddo ahba ciidamadu ku daba-jireen ugu danbeyntiina u suurtagashay in ay gacanta ku soo dhigaan.

Waxaa wali soconaya howlgalo ka dhan ah xubnahan ka tirsan labada Urur oo la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan dalka iyadoo la kaashanayo ayey tiri hay’addu bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ragga la qabtay oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish oo ay qaarkood sawirradooda baahisay dowladda.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka sida weyn dagaalka ugula jira kooxaha ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: