Wararka

Axmed Ciise Cawad ayaa ku tilmaamay Kenya inay tahay dalka ugu muhimsan dalalka deriska…


Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa Kenya ku tilmaamay in ay tahay dalka ugu muhiimsan dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa sheegay, Soomaaliya in ay qaadatay siyaasad isku dhowayn ah oo lagu midaynayo dalalka kuyaala geeska Afrika ee saameyn ku leh Soomaaliya, si loo fududeeyo isku socodka ganacsiga iyo is dhexgalka bulshooyinka kala duwan.

“Soomaaliya waxay aaminsan tahay dalalka ugu muhiimsan in ay yihiin dalalka deriska nala ah sida Kenya, Ethiopia, Jabuuti, Eritrea iyo labada Suudaan . Adduunkii waa isku soo dhowaanayaa, anagana waxaan nagala rabaa in aanan qol isku soo xirin oo aan la socono isbedela ka socda gobolka,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay wasiir Cawad, in dowladda Soomaaliya afartii sano ee lasoo dhaafay ay ka shaqeynaysay in siyaasada arrimaha dibadda ay noqoto mid ka shaqeysa isku soo dhowaanshaha wadamada gobolka, si looga baxo colaadihii kala irdheeyay dalalka gobolka.

Hadalkaan ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ka sheegay furitaanka safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: