Wararka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa la filayaa maanta in ay cod u qaadaan guddiyada…


Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta oo Isniin ah la filayaa inuu cod u qaadaan Xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Guddiga la dagaalanka Argagixisada oo ay horay u ansixiyeen Xukuumaddii xil gaarsiineed.

Qoraal lagu shaaciyay barta Facebook ee Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in maanta oo Isniin ah oo taariikhda tahay 16 November uu jiro kulan weynihii Golaha, oo Ajandihiisu yahay:-

  1. U codeynta Xubnaha Guddiga Adeega garsoorka
  2. U codeynta Xubnaha Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa

Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Guddiga la dagaalanka musuq maasuqa ayaa waxaa horay u meel mariyay Xukuumaddii xilka sii gaarsiineysay, markii la riday Xukuumaddii uu hoggaaminayay Ra’isul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Mucaaradka iyo Siyaasiyiinta ayaa sharci darro ku tilmaamay meel marinta Guddiyadaas, intii ay xilka sii heysay Xukuumadda, waxaana ay ka digeen in dano siyaasadeed loo adeegsado guddiyadaas.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: