Wararka

Feeryahanad caan ka ah dalka Netherlands ayaa si rasmi ah u qaadatay Diinta Islaamka…


Feeryahanadii hore ee reer Holland Ruby Mesu – oo lagu naanayso “Mrs. Tyson” ayaa waxay muujisay farxad aad u weyn kadib markay si rasmi ah u qaadatay Diinta Islaamka iyada oo goobjoogayaal ku sugnaayeen Masjidka.

Ruby ayaa ka faallootay sawir ku saabsanaa iyadoo hor taagan Masjid ku yaal Netherlands, oo ay ku faafisay boggeeda rasmiga ah ee Instagram Isniintii: “Kadib tababar sanado qaatay, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ugu dambeyn si rasmi ah u qaatay Diinta Islaamka.” ayey tiri.

“Horay ayaan u qiray shahaadada keli ahaan, laakiin hadda waxaan si rasmi ah ugu sheegayaa Masaajidka iyadoo markhaatiyaal ay joogaan. Haddii Eebbe idmo waan ku faraxsanahay,” ayay raacisay.

Dadka ku taxan baraha bulshada ayaa la wadaagay sawirrada feeryahanada reer Holland oo xiran xijaab gudaha Masjidka oo ay ku sugneyd, si ay u qirato labada shahaado oo ay u qaadato Diinta Islaamka.

Feeryahanka reer Tuniisiya Hadi Sulaimani ayaa ka falceliyey qaadashada Ruby Diinta Islaamka, isagoo faallo ka bixinaya qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook: “Haweenaydii hore ee feerka ee reer Holland, Ruby, ayaa ku qaadatay Diinta Islaamka shalay Masaajid ku yaal Netherlands, Ilaahay ayaa weyn, Ilaahay qofkuu doono ayuu hanuuniyaa, Allah ha xaido kana aqbalo. Ayuu yiri.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: