Wararka

Lix ruux ayaa ku dhimatay halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay…


Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan qarax duhunimadii maanta ka dhacay maqaayad ku taal magaalada Muqdisho.

Dowlada Federalka ayaa ka hadashay qaraxan iyadoo Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) uu sheegay in qaraxan ay ku dhinteen lix ruux halka 8 kale ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in baaritaano kala duwan ka sameeyeen halka uu qaraxu ka dhacay, iyagoona inta uu socday baaritaanka xiray gebi ahaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa agagaarka uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxyada dadka is miidaamiya ayaa magaalada Muqdisho waxa ay ka dhaceen goobaha dadka ay ka cunteeyaan gaar ahaan goobaha ay ku badan yihiin dadka u shaqeeya Dowlada Federalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12256 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: