Wararka

Trump ayaa la filayaa in qaar ka mid ah ciidamadiisa kala baxo dalalka Iraq, Afghanistan iyo…


Madaxweyne Trump ayaa la filayaa inuu ku amro militariga Mareykanka inay kumanaan askari kala baxaan Afghanistan, Iraq iyo Somalia, ka hor waqtiga uu xafiiska ka tagayo bisha Janaayo.

Amar qabyo ah oo horyaala Pentagon-ka, ayaa sheegaya in tirada ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afghanistan laga dhimayo kala bar.

Ciraaq gudaheeda, Pentagon wuxuu yareyn doonaa tiro ka hooseeysa 3,000 oo askari oo taliyayaashu horay u shaaciyeen.

Soomaaliyana, in ka badan 700 oo askari oo ku lug leh tababaro iyo howlgalo argagixiso ayuu maamulka Trump qorsheynayaa inuu kasoo saaro.

Trump ayaa muddo dheer ku haminayay inuu joojiyo qarashka ku baxa hawlgallada milatari ee ka dhanka ah wuxuu ugu yeeray kacdoonka Islaamiyiinta ee dalalka fashilmay iyo kuwa jilicsan ee Afrika iyo Bariga Dhexe.

Qorshaha ka bixitaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inuusan khuseynin ciidamada Mareykanka ee ku sugan meelaha u dhow Kenya iyo Jabuuti, halkaasoo ay ku sugan yihiin diyaaradaha fuliya duqeymaha.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: