Wararka

AUN R/Wasaarihii hore ee Somalia Cumar Carte Qaalib ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa…


Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Cumar Carte Qaalib ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland.

Allaha u naxariistee Cumar Carte Qaalib ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladii hore ee Maxamed Siyaad Barre iyo dowladii Cali Mahdi uu Madaxweynaha kumeel gaarka ahaa.

Cumar Carte ayaa dhashay sanadkii 1930kii waxana uu dowladii hore ee Siyaad Barre ka soo noqday wasiirka Arrimaha Dibbada intii u dhexeysay 1969 illaa 1977.

Kadib markii ay dhacday xukuumadii Siyaad Barre ayaa dowladii uu Madaxweynaha ka noqday Cali Mahdi Maxamed ka noqday Ra’iisul wasaare 24kii Janaayo 1991 illaa iyo bishii May 1993.

Shabakada wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12225 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: