Wararka

Baarlamaanka Turkiga ayaa ogolaaday in ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo dalka Azerbaijan…

Rescuers remove debris following what is said to be recent shelling in the city of Stepanakert during a military conflict over the breakaway region of Nagorno-Karabakh, in this handout photo released November 6, 2020. Armenian Unified Infocentre/Handout via REUTERS

Baarlamaanka Turkiga ayaa Talaadadii u oggolaaday dowladda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan inay ciidamo nabad ilaalin ah geeyso Azerbaijan si ay ula socdaan heshiiska xabad joojinta ee u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro khilaafka gobolka.

Xildhibaannadu waxay u codeeyeen muddo hal sano ah oo u oggolaanaysa dawladda inay ciidamo u dirto Azerbaijan, halkaas oo ay ku indha indheyn doonaan xadgudubyada xabad joojinta ee ka imaan kara xarun kormeer wadajir ah oo ay wadaagaan Turkiga iyo Ruushka. Xabad joojinta ayaa soo afjartay lix todobaad oo dagaal qaraar uu u dhaxeeyay Azerbaijan iyo Armenia oo ku saabsanaa gobolka Nagorno-Karabakh.

Toddobaadkii hore, wasiirrada gaashaandhigga ee Ruushka iyo Turkiga waxay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah oo lagu aasaasayo xarun kormeer wadajir ah oo ku taal Azerbaijan, in kasta oo faahfaahinta farsamada ee howlgalka weli laga shaqeynayo.

Azerbaijan waxay dabada ka riixaysay xulafadeeda Turkiga, oo ka taageertay Baku dagaalada inay door firfircoon ka qaadato wadahadalada nabada waxayna ahayd tii ugu horaysay ee shaacisa sida ay uga go’antahay la socodka heshiiska xabad joojinta.

Nagorno-Karabakh waxay ku taalaa Azerbaijan laakiin waxaa gacanta ku hayey xoogaga qowmiyadaha Armenia oo taageero ka helaya Armenia tan iyo markii dagaal goos goos ah halkaas ka dhacay 1994.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: