Wararka

Dowladda Mareykanka ayaa labo sarkaal oo ka tirsan al-Shabaab ku daray liiska argagixisada…


Dowladda Mareykanka ayaa liiska argagixisada ku dirtay Labo sarkaal oo sare kana tirsan ururka Al-Shabaab, kadib qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Saraakiisha loo aqoonsaday Argagixisada caalamiga ah ayaa kala ah C/llaahi Cusmaan Maxamed oo loo yaqaano Engineer Ismaaciil iyo Macalin Ayman oo magaciisa yahay C/casiis Dhubow.

Labada Nin ayaa lagu kala sheegay in ay shaqooyin muhiim ah u hayaan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo ah xoogag ka dagaalama dalka Soomaaliya iyo wadamada gobolka qaar ka mid ah.

Sarkaalka lagu magacaabo C/llaahi Cusmaan ayaa lagu sheegay inuu yahay Khabiir dhanka Qaraxyada iyo Madaxa Qaraxyada Al-Shabaab, sidoo kalena ah La Taliyaha gaarka Hoggaamiyaha Al-Shabaab iyo Madaxa Warbaahinta Al-Shabaab.

Ayman ayaa hoggaamiya Guutada Ayman, waxaana ay ka howlgalaan Soomaaliya iyo Kenya, kuwaa oo marar badan geystay weerar culus oo galaaftay nolasha dad badan oo Soomaali iyo Kenyaan ah.

Al-Shabaab ayaa sanadkii 2008 guud ahaan lagu daray liiska Argagixisada, kadib markii ururkan uu sanadkii 2012 ku biiray Ururweynaha Al-Qaacida.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: