Wararka

Dowladda Somalia ayaa ka laabatay mowqifkeeda ee la xiriira dagaalka ka socda Itoobiya…


Dowladda Soomaaliya ayaa ka laabatay qoraal markii hore lagu shaaciyay bogga Twitter -ka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la xiriiray mowqifka dowladda ee dagaalka ka soconaya Waqooyiga dalka Itoobiya.

Qoraalkan oo warbaahintu qaadatay ayaa si deg deg ah markii danbe looga saaray bogga Twitter -ka Wasaarradda waxaana lagu sheegay in uu ahaa qoraal aan sax aheyn kana turjumeynin mowqifka dowladda Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Wasaarradda laakiin markii danbe dib looga noqday ayaa u dhignaa in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in wadahadal saaxiibtimo lagu xaliyo dagaalka Itoobiya.

Qoraalkii hore ee laga saaray Bogga ayaa u dhignaa siddan :

Lama oga sababta ay uga laabatay Dowladda ariintooda hore.

Shabakada wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: