Wararka

Habraac lagu maamulayo doorshada Xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Waqooyi oo la soo…


Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa soo saaray Habraaca lagu maamulayo doorashada Xildhibaanada labada gole ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi (Somaliland).

Tallaabadan uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kusoo aadaysa xilli ay Dowladda Federalka horey u magacowday guddiyada maamuli doona doorashooyinka kuraasta gobolada Waqooyi.

Weli waxaa muuqata in khilaafka sii xoogaysanayo islamarkaana siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta gobolada Waqooyi noqdeen labo garab oo kala taabacsan dowladda iyo mucaaradka.

Sida ka muuqata qoraalkaan, Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ku adkaysanaya in habraaca doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi loo marayo hannaanka ay ku yimaadeen sanadkii 2016.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: