Wararka

RW Somalia ayaa kulankii ugu horeeyey la yeeshay guddiga madaxa bannaan ee doorashada..


Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulankii ugu horeeyay la yeeshay guddiyada madaxa bannaan ee doorashada heer Federal iyo guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kula dardaarmay guddigan inay si madax bannaan oo daah furan u wajahaan sidii dalka uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in guddigan uu laf dhabar u yahay doorasho ka hufan musuq maasuq iyo cadaalad darro islamarkaana ay ku qancaan ummadda Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha siyaasada.

Wuxuu Ra’iisal wasaaraha u sheegay in guddiyada looga baahan yahay in ay iska ilaaliyaan in doorashada ay soo galaan kooxaha nabad diidka iyo argigixisada.

Guddigaan uu Ra’iisal wasaaruhu horey u magacaabay ayaa loo jeediyay eedaymo ku aadan in ay qeybtooda katirsan yihiin hay’adaha amniga, looguna talo galay in lagu cabsi galiyo ergooyinka doorashooyinka ka qeyb galaya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: