Wararka

Ardey Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay ku go’doonsan yihiin gobolka Ismaamulka Tigreyga…

FILE PHOTO: A plane flies next to Tigray Martyrs monument during the funeral ceremony of Ethiopia's Army Chief of Staff Seare Mekonnen in Mekele, Tigray Region, Ethiopia June 26, 2019. Picture taken June 26, 2019. REUTERS/Tiksa Negeri/File Photo

Ardey Soomaaliyeed oo lagu qiyaasay 50 Ardey ayaa lagu waramayaa in ay ku go’doonsan yihiin gobolka Ismaamulka Tigreyga gaar ahaan magaalada Mekelle halkaasoo ay ka socdaan dagaallo culus oo u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo jabhada

Ardeydan ayaan wax war ah laga helin tan iyo markii ay halkaa ka qarxeen dagaallada, madaama la jaray ama la gooyay isgaarsiintii gobolka.

Qaar ka mid ah ehelada Ardeydan ayaa sheegay in ay walwal gaar ah ka qabaan xaaladooda nabadgalyo madaama aysan wax xiriir ah la laheyn.

Ardeydan ayaa qaarkood waxa ay deeq waxbarasho ku dhiganayeen Jaamacada Mekelle ee caasimada gobolka Tigraay.

Mareykanka ayaa dhawaan ka codsaday dowladda Itoobiya in dib loo soo celiyo isgaarsiinta gobolka si xiriir loola sameeyo dadka ajaanibta ee ku dhibaateysan gobolka ay dagaalladu ka socdaan gaar ahaan muwaadiniinta Mareykanka ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12283 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: