Wararka

Murashaxiin mucaarad ah ayaa shir uga furmay Hotelka Jazeera ee magaalada Mogadishu…


Murashaxiin mucaarad ah oo ka kooban Labo iyo Toban musharax ayaa waxaa uu shir uga furmay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay uga arrinsanayaan doorashada dalka ee sanadkan 2020-21.

Murashixiintan ayaa waxaa ka mid ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud.

Waxaa sidoo kale kulanka ka qeybgalaya Ra’iisal Wasaarihii hore ee dowladda hadda jirta Xassan Cali Kheyre iyo madaxweynayaashii hore ee dowlad gobolleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo dhamaantood ah murashixiin u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka oo socon doona muddo saddex cisho ayaa lagu waddaa in murashixiintan ay ku heshiiyaan hoggaan ay ku mideysan yihiin iyo aragti mid ah ay ka qaataan hannaanka loo wajahayo doorashada, iyaga oo dowladda ku eedeynaya in ay waddo qorshe lagu musuqmaasuqaya doorashada xildhibaannada.

Dowladdu wax war ah dhankeeda kama aysan soo saarin dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee socda iyo kulanka maanta u furmay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah oo u badan murashixiin mid walba uu si gaar ah u doonayo in kursiga ugu sarreeya tallaada dalka ee madaxweynaha.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12171 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: