Wararka

QM ayaa walaac ka muujisay xaalada bani’aadannimo ee ka jirta gobolka Tigreyga…


Qaramada Midoobey ayaa walaac xooggan ka muujineysa xaalada bani’aadannimo ee ka jirta gobolka ay dagaalladu ka socdeen ee Tigrayga, waxeyna dalbatay in si KMG loo joojiyo xabadda.

Warka ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa imaneya xili la soo warinayo xaalad bani’aadannimo tii ugu xumeyd oo soo food saartay dadka rayidka ah ee ku go’doonsan deegaannada lagu dagaalamayo.

”Waa in la helaa tub ama dariiq gargaarka loo baahan yahay lagu gaarsiiyo dadka rayidka ah ee ku dhibaateysan deegaannada ay dirirtu ka socto” ayey sheegtay QM.

Laakiin labada dhinacba waxaad moodaan in aysan marnaba u dhaga-nuglaan baaqyada is daba jooga ah ee ka imanaya hay’addaha caalamiga, iyaga oo taa badalkeeda sii wadda howlgalada militari.

Jimcihii dowladda waxay sheegtay inay ciidamadeed ay la wareegeen magaalooyiinka Aksum iyo Adwa.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12256 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: