Wararka

Atletico Madrid, Juventus iyo Tottenham oo ku tuntay Barcelona, Cagliari iyo Manchester City…


Atletico Madrid ayaa dharbaaxo adag ku dhufatay Barcelona ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Spain, waxayna uga badisay hal gool oo nadiif ah kulankii 10aad ee tartanka horyaalka.

Atletico Madrid ayaa sii wadata bilowgeedii fiicnaa ee xilli ciyaareedkan waxayna kor u qaaday dhibcaheeda oo ka dhigtay 20 dhibcood, waxayna ku ciriirineysaa Real Sociedad kala horeynta tartanka, waxay gaartay guusheedii ugu horeysay ee ay ka gaaraan Barcelona taariikhda ee kulamadooda Horyaalka Spain in ka badan 10 sano ka hor, gaar ahaan tan iyo markii ay ku guuleysteen 2-1 bishii Febraayo 14, 2010, waxaa xusid mudan in kulamadooda Spanish Super Cup iyo Champions League ay dhowr jeer ay badiyeen Atletico sannadihii la soo dhaafay.

Barcelona ayaa leh hadda 11 dhibcood, waxayna ku jirtaa kaalinta 10aad.

Dhinaca kale Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ku hogaamiyay kooxdiisa, Juventus, inay guul ka gaaraan kooxda Cagliari isagoo dhaliyay labo gool oo nadiif ah intii lagu jiray ciyaartii wareega 8-aad ee Horyaalka Kubadda Cagta ee Talyaaniga.

Ronaldo ayaa Juventus u dhaliyay laba gool (38 iyo 42), si uu sare ugu qaado goolashiisa horyaalka xilli ciyaareedkan oo uu uga dhigo 8 gool kala horeynta gooldhalinta, isaga oo la wadaago laacibka Milan Zlatan Ibrahimovic.

Juventus ayaa kor ugu qaaday dhibcaheeda oo ka dhigtay 16 dhibcood oo ku jirta kaalinta labaad si ku meelgaar ah, iyadoo la sugayo natiijada inta ka hartay kulamada wareegan, halka Cagliari dhibcaheeda ku joogsadeen 10 dhibcood oo fadhida kaalinta 11aad.

Tottenham ayaa si ku meel gaar ah u qabatay hogaanka Premier League ka dib markii ay uga badiyeen Manchester City labo gool, intii lagu jiray ciyaartii Sabtidii ee wareega sagaalaad ee tartanka, halka Chelsea iyo Newcastle 2-0 ku kala baxeen, sidoo kale Brighton ayaa uga badisay Aston Villa 2-1 .

Goolasha Tottenham waxaa dhaliyey laacibka reer Kuuriya Heung Min Son (5) iyo Argentine Giovanni Lu Celso (65).

Tottenham ayaa leh 20 dhibcood oo ku qabatay hogaanka kala saraynta, si ku meel gaar ah, iyada oo la sugayo natiijada kulanka ay yeelanayaan Liverpool iyo Leicester City maanta oo Axad ah, halka Manchester City leedahay 12 dhibcood kuna jirta kaalinta 10aad.

Guushan ayaa ah tii lixaad oo ay Tottenham ka gaarto horyaalka xilli ciyaareedkan.

Shabakada wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: