Wararka

Digniin ayaa loo jeediyey Kalluumeysatada iyo dadka ku dhaqan hareeraha xeebaha…


War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa lagu sheegay in sida saadaashu sheegeyso in dabeylo laga yaabo inay ku dhufatan jihada Waqooyi Bari ee dalka oo ku socda xawaare u dhaxeeya 95-110 kilometer ay saacadii.

”Waxaa ay Dowladda Somalia si gaar ah uga digeysaa Kalluumeysatada iyo dadka ku dhaqan hareeraha Xeebaha in ay ka digtoonaadaan khataraha kusoo wajahan dhulka Xeebaha ah, waxaana ay ugu baaqeysaa maamulada degaannada laga cabsi qabo inay duufaanta saameyso iyo dhamaan Hay’adaha gargaarka inay u diyaar garoobaan xaaladaha soo cusboonaday, taageerana u muujiyaan bulshada ku nool degaannadaas ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka maareynta iyo musiibooyinka Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12261 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: