Wararka

Ergada Midowga Afrika ee dhexdhexaadinta dagaalka Itoobiya ayaa gaaray Addis Ababa…


Ergada Midowga Afrika uu u magacaabay dhexdhexaadinta Dowladda Itoobiya iyo Maamulka Gobolka Tigreyga ayaa maanta gaaray Magaalada Addis Ababa.

Ergada oo saddex xubnood ka kooban ayaa waxay kala yihiin Madaxweynihii hore ee Mozambique, Joaquim Chissano, Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Kgalema Motlanthe iyo Madaxweynihii hore ee Liberia, haweeneyda lagu magacaabo Ellen Johnson-Sirleaf.

Midowga Afrika ayaa ergada u magacaabay dhexdhexaadinta Dowladda Federaalka iyo Maamulka Tigreyga, si dagaalka loo joojiyo, xasiloonidana loo soo celiyo.

Ergada ayaa lagu wadaa inay Magaalada Addis Ababa kula kulmaan Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, iyagoona ka dalban doono in dagaalka la joojiyo, isla-markaana uu u ogolaado inay u safraan Gobolka Tigreyga, si garabka kale ay ula kulmaan.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa horey u sheegay inaanu dagaalka joogsan doonin, illaa iyo inta gacanta lagu soo dhigayo Madaxda TPLF.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12225 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: