Wararka

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sh/Hoose ayaa xilka ku wareejijey Cabdulqaadir Siidii…


Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa maanta xilka la wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday Degmada Baraawe.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo munsaabadda ku sugnaa ayaa xilka ku wareejiyay Guddoomiye Siidii.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa 16-kii bishan xilka ka qaaday Gudoomiyihii hore, isagoona Siidii ku soo bedelay.

Najax oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka uu ku wareejinayo Cabdulqaadir Siidii, oo horey xilkan u soo qabtay.

Siidii ayaa lagu ammaanaa doorkii muuqday, ee uu horaan ka cayaaray gulufkii militari ee Al Shabaab looga saaray inta badan Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12225 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: