Wararka

RW Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee…


Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Lama oga ujeedada rasmiga ah ee safarka Ra’iisal Wasaaraha oo noqonaya kii ugu horreeyay ee dalka gudihiisa uu ugu anbabaxo tan iyo markii xilkan loo magacaabay.

Socdaalka Ra’iisal Wasaaraha ee Baydhabo ayaa imanaya xili dalka uu ku jiro olole doorasho, dhinaca kalana siweyn isugu khilaafsan yahay hannaanka lagu wajahayo, maamulka Koonfur Galbeedna waxaa uu ka mid yahay maamullada loo tirayo in ay gacan saar dhaw la leeyihiin dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12283 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: