Wararka

James Swan ayaa la filayaa inuu Golaha Ammaanka kala hadlo xaaladaha siyaasadda iyo amniga…


Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta warbixin ku saabsan xaaladaha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya, siin doona Golaha Ammaanka.

James Swan ayaa la filayaa inuu Golaha ku wargeliyo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ee la xiriira guddiyada doorashooyinka ee uu dhowaan dhisay Ra’iisul Wasaaruhu ayna diideen mucaaradka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay ugu baaqaan Dowladda Federaalka inay tixgeliso cabashooyinka mucaaradka lanala sameeyo guddi cusub oo lagu heshiiyo oo hirgeliya doorashooyinka.

In ka badan 10 musharax madaxweyne oo ku shiray magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa diiday hay’adaha doorashooyinka ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha, Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo sheegay in aysan dhexdhexaad ahayn.

Sidoo kale, hay’adda culimada ayaa dowladda ugu baaqay in ay gogol u fidiso mucaaradka si looga heshiiyo khilaaf caqabad ku keeni kara doorashada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: