Wararka

Musharaxiinta mucaaradka iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobollada Waqooyi oo ku kulmay…


Musharixiinta mucaaradka ee ku haminaya in ay hogaanka dalka qabtaan oo ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Waqooyi [Soomaaliland] oo uu horkacayo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka labada dhinac oo ka dhacay hotelka Jazeera ee lagu waddo in maanta lagu soo gabagabeeyo shirka Midowga Musharixiinta ayaa siyaasiyiintii tagay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda sare Ibraahim Iidle Suleeymaan, Wasiirkii hore ee Arrrimaha Dibadda Xildhibaan Fowsiya Xaaji Aadan iyo mas’uuliyiin kale.

Xubnaha ayaa shirka la wadaagay walaacood la xiriira sida ay dowladda u maamuleyso guud ahaan doorashada gaar ahaan guddiyada gobollada Waqooyi oo soo magacaabistooda aan loo marin sida ay qabaan dhabihii sharciga ahaa.

Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay boobtay guddiyadii gobollada Waqooyi ee doorashooyinka, hasse ahaatee waxaa taasi beeniyay xubnaha gobollada Waqooyi ee ka tirsan dowladda Dhexe oo sheegay in soo magacaabista guddiyadan loo maray dariiqii saxda ahaa.

Shirka musharixiinta garabka mucaaradka ayaa la filayaa in maanta lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho lagana soo saaro war-murtiyeed la xiriira hannaanka doorashada dalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: