Wararka

Puntland ayaa shir deg deg ah ka yeelatay masiibada ka dhalatay duufaanta ku dhufatay…


Puntland ayaa shir degdeg ah ka yeelatay masiibada ka dhalatay duufaanta GATI oo ku dhufatay Gobolka Bari, iyadoo ay isi soo tarayaan khasaaraha kala duwan ee ka dhashay.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa shir-guddoomiyay shirkaan oo la isugu yeeray dhammaan wasiiradda iyo hay’adda musiibooyinka, si looga tashado sidii gurmad degdeg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu soo gaartay

Waxaa lagu wadaa inuu madaxweyne ku xigeenku magacaabo guddi wasiirro ah oo loo xilsaarayo sidii ay ugu kuur gali lahaayeen wax ka qabashada xaaladda biniaadanimo ee ka jirta degaanada ay waxyaaladu gaarsiiyeen duufaanta iyo roobka.

Maamulka Puntland wuxuu sheegay in 7 qof oo u dhashay dalka Yemen ay ku dhinteen duufaanta, kuwaas oo ahaa kalluumaysato Yemeniin ah badda ku jiray xilliga duufaanta.

Sidoo kale, magaalooyinka Xaafuun iyo Hurdiya oo katirsan gobolka Bari, ayay duufaantu u geysatay khasaare xoogan, iyadoo dumisay guryo iyo waddooyin muhiim ahaa.

Shabakada wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: