Wararka

RW Netanyahu ayaa la sheegay in uu si qarsoodi ah u booqday dalka Saudi Arabia Axadii…


Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu si qarsoodi ah u booqday Dalka Sacuudi Carabiya Axadii.

Hay’adda Isgaarsiinta ee Israel iyo Raadiyaha Ciidanka ayaa sheegay maanta oo Isniin ah, in Netanyahu uu la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo intii uu ku guda jiray booqashada Boqortooyada Sacuudiga.

Illaa iyo hadda, wax war ah oo arrintan ku saabsan lagama soo saarin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel, ama safaaradda Mareykanka ee Qudus.

Wargeyska Israel ee Ha’aretz ayaa daabacay xog la xiriirta la socoshada duulimaadyada hawada taasoo muujineysa in diyaarad ganacsi ay duulimaad ka sameysay Tel Aviv kuna sii jeeday aaga Neom ee woqooyi galbeed Sacuudi Carabiya ee xeebta Badda Cas, halkaasoo la qorsheeyay inay ku kulmaan Mohammed bin Salman iyo Pompeo Axadii.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12776 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: