Wararka

RW Somalia oo magaalada Baydhabo ka wada kulamo uu la yeeshay Odayaasha Dhaqanka iyo…


Ra’iisal Wasaaraha Somalia, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay Magaalada Baydhabo kula kulmay Odayaasha Dhaqanka iyo golaha Wasiirada Koonfur Galbeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Odayaasha Dhaqanka kala hadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka, doorka ay ku leeyihiin iyo inay xukuumadda ka caawiyan la dagaalanka Ururka Al Shabaab.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Odayaasha Dhaqanka uu ku booriyay xoojinta la dagaalanka argagixisada, isku-haynta iyo heshiisiinta bulshada.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Somalia, Maxamed Xuseen Rooble oo kulamo ka wada Magaalada Baydhabo ayaa markaan waxa uu la kulmay Golaha Wasiirada ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed kala hadlay wadashaqeynta dhexdooda iyo xukuumadda uu hoggaamiyo iyo weliba inay si dhow ula shaqeeyan Guddiyada Doorashooyinka, Xalinta Khilaafaadka iyo Odayaasha Dhaqanka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka dadweynaha waxa uu ku yiri “Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed Somaliya ayaan kala hadlay wadashaqeynta dhexdooda ah iyo Xukuumadda JFS, la shaqeynta Guddiyada Doorashooyinka & Xalinta khilaafaadka ee Heer Federaal & Dowlad Goboleed, Odayaasha Dhaqanka iyo Ururada Bulshada, si ay dalka uga dhacdo doorasho hufan.”

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Magaalada Baydhabo u tagay arrimaha doorashooyinka, dardargelintooda iyo suggida amniga magaaladaasi, oo lagu wado in lagu qabto Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waa safarkii ugu horeeyay oo gudaha ah uu Ra’iisal Wasaaruhu ku taggo Magaalada Baydhabo, tan iyo markii xilka loo dhaariyay 23-kii bishii September.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12896 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: