Wararka

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa ku laayey 5 kamid ah qoyskiisa degmada Warta nabada…


Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa dilay shan kamid ah qoyskiisa iyo dhaawac uu u geystay mid kale kadib markii uu ku tuuray bombo gacmeed xilli ay ku sugnaayeen hoygooda oo ku yaala degmada Warta Nabada ee gobolka Banaadir.

Askariga ayaa sidoo kale ku dhaawacmay falkaan uu geystay.

Qaar kamid ehelada qoyska ayaa warbaahinta u sheegay in askariga khilaaf kala dhexeeyay qoyskiisa darteed uu falkaan u geystay, iyagoo sheegay in horey looga dhigay qori uu sidan jiray oo looga cabsi qabay inuu ku weeraro qoyska.

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa waalidiintiisa iyo walaalihiisa, kuwaas oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku haysa eedeysanaha oo xilligaan laga dabiibayo dhaawac kasoo garaay bombada uu ku tuuray qoyskiisa.

Dhacdooyinka nuucaan la mid ah ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho iyo degaanada ku dhow, iyadoo fal midkan u eg uu ka dhacay duleedka Muqdisho kadib markii qof hubaysan uu laayay qoyska Xaas ay kala tageen.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: