Wararka

RW Somalia ayaa Golaha Ammaanka ee QM la wadaagay warbixin ku saabsan arrimaha…


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay la wadaagay warbixin ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo sida dowladda ugu diyaar garoobayso inay qabato doorasho hufan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in howlaha doorashooyinku marayaan meel wanaagsan islamarkaana guddiyadii loo magacaabay doorashooyinka ay howlo wanaagsan hayaan.

Waxaa uu Ra’iisul wasaaruhu hoosta ka xarriiqay in qoondada haweenka ee 30% ah la xaqiijin doono.

“Way naga go’an tahay in aan ilaalinno qoondada haweenka ee 30%, xeer hoosaadkii baarlamaanku dhawaan ansixiyay ayaa si cad u qeexaya in ujeeddada loo socdaa tahay in matalaadda haweenku gaarto 50%”, ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aadaya xilli uu khilaaf adag ka taagan yahay guddiga doorashooyinka iyadoo murashixiinta mucaaradku dalbadeen in la bedelo dhammaantood.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12789 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: