Wararka

Shariif Xasan ayaa diiday sheekada ah doorasho hal wareeg ku dhamaata oo ka dhacda…


Madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo khudbad ka jeedinayay shirka musharixiinta uga soconaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan aqbali doonin doorasho hal wareeg ah oo ku tilmaamay dhaqan waayadii ugu danbeeyay lala soo baxay.

Shariif Xassan oo ka jawaabay hadalkii dhawaan sheegay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa yiri” Wuxuu yiri Mahdi Guulleed Baydhabo hal wareeg ayaan ku guuleysanay, Baydhabo wixii ka dhacay waa la ogaa dad ayaa la xirxiray, Galmudug inkastoo dad raali ka ah ay jireen wixii ka dhacay waa la ogaa, Jowhar inkastoo dad raali ka ah ay jireen wixii ka dhacay waa la ogaa, Anniga ilaa Carta ayaan dowladnimada Soomaaliya ku soo dhax jiray wali ma arag doorasho hal wareeg ku soo dhamaata, waxaan arki jirnay doorasho leysku daalo oo la baahdo wareegyo dhowr ah leysla maro, sidaa daraadeed doorasho hal wareeg ah waan diidnay” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweyne Farmaajo ayuu ku eedeeyay in uusan doorasho lala galo diyaar u aheyn, taa badalkeedana uu doonayo in uu isaga arrimihiisa iska maamusho waa sida uu hadalka u dhigay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dhinaca kale, waxaa uu meesha ka saaray in ay dalka colaad u horseedayaan isaga oo yiri” Annaga rag colaadeed ma nihin inta Bani’aadam uu maslaxad rabo ayaan rabnaa sidaa waa in la ogaadaa”

Musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa wali ku shirsan magaalada Muqdisho waxaana la filayaa in dhawaan ay soo saaraan war-murtiyeed la xiriira arrimaha doorashada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12820 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: